Buuggan wuxuu xusayaa taariikhda, hal-abuurka iyo dhaxalka Abwaan G/Sare Cabdi Bashiir "Indhabuur" (1947-1991), aasaasihii kooxda Heegan ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo la aasaasay 20kii December 1972. Wuxuu ka kooban yahay in ka badan 50 shaqo oo aan hore loo daabicin, laga soo duubay ilaa 57 cajalad muusik oo qadiimi ah - gabayo, heeso waddani ah, iyo faah-faahin ka mid ah 15-20 ruwaayadood oo uu qoray ama ka qeyb qaatay. Wuxuu ku dhashay Gaalkacyo, gobolka Mudug, 1947kii, wuxuuna ku geeriyooday Muqdisho 15kii Janaayo 1991kii. Waxaa soo ururiyay Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban," Hordhacna qoray wariye C/qaadir Max'ed Faarax "Dulyar," oo ay ku darsan yihiin qoraallo ka yimid Ustaad Bashiir Cali Xussein iyo dad kale oo la shaqeeyay abwaanka.C/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "SooyaaC/CASIIS CALI IBRAHIM "XILDHIBAN" waa qoraa, cilmibaare, siyaasi, iyo abwaan Soomaaliyeed, oo soo qabtay xilal kala duwan dalka iyo dibadaba, oo daabaca buugaagta Soomaalida ku xeeldheer dhaqanka, siyaasadda iyo tiirarka guud ee bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu daabacay muddo gaaraysa labaatan sano buugaag xulan oo tiro iyo tayaba leh. Waxaa ka mid ah "Taxanaha Taariikhda Soomaaliya"; "Maamulladii iyo Madaxdii Soo Martay Soomaaliya"; "Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil"; iyo kuwo kale. Waa aasaasaha, agaasimaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Xildhiban Publications. Hadda wuxuu ku nool yahay, isaga iyo qoyskiisa Ingiriiska.
Prijshistorie
* Prijshistorie bevat geen data van Amazon.
Prijzen voor het laatst bijgewerkt op: