Ismahurto
Uitgelicht
|
17,60 |
Naar shop
|
|
28,28 |
Naar shop
|
Beschrijving
Bol
SMAHURTO waa dhacdooyin taariikheed oo ka warramaya sheekooyin dhab ah oo dhacay intii u dhexaysay 1990-kii ilaa 1998-kii, xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyo sheeko mala-awaal ah. Waxa ay si qoto dheer u taabanaysaa burburkii dowladdii dhexe, kalafogaanshihii qoysaska Soomaaliyeed, jacayl ay kala irdhaysay colaadaha qabiilku, iyo rajada dibuheshiisiinta iyo dibudhiska dowladnimada.Sheekadu waxay la socotaa nolosha dad aan siyaasiyiin ahayn, sida: Jaamac, Farxiya, Farxaan iyo Yaasmiin oo la kulmaya dhibaatooyin nafsi ah, qabiil iyo qax, kuwaas oo xiriirkooda jacayl si adag uga dhex muuqdo dhibta guud ee ummadda haysata. Magaalada Muqdisho oo ay colaadi ka aloosan tahay, Gaalkacyo oo qabiillo isku hayaan, Hargeysa oo xasiloonideeda raadinaysa, iyo asaasidda Puntland ayaa dhammaantood ku jira masraxa sheekadan.ISMAHURTO waxay si geesinnimo leh u taabanaysaa mowduucyo ay ka mid yihiin: kala qeybsanaanta bulshada soomaaliyeed, raadkii kooxaha soomaalida sida USC, SSDF iyo Al-ltixaad, saamaynta qabiillada Hawiye iyo Daarood ee siyaasadda, doorkii hoggaamiyayaal soomaaliyeed sida Maxammed Siyaad Barre, Maxammed Faarax Caydiid, iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyo xusuusta dadkii soomaaliyeed ee qurbaha u qaxay ama gudaha ku barakacay. Waa sheeko qiiro leh oo isu keenaysa jacayl, siyaasado isdiiddan, qabiil, iyo doonista midnimo soomaaliyeed. Waxay akhristaha xasuusinaysaa in si kasta oo dagaallo, kala-qaybsanaan iyo cadaawado u aloosnaayeen, welina ay u jiraan, ay haddana jirto rajo iyo suurtagalnimo dib u heshiisiin iyo dhisidda qaran midaysan. ISMAHURTO waa xusuus qoran oo ku saabsan dadkii shacabka ahaa dhibtii ay la kulmeen iyo kalgacalkii aan isbaleddelin xitaa markii colaaduhu kala fogeeyeen."Qiso, taariikh, burbur, jaceyl, rajo, iyodagaal weli buuggaan ka hor buug la isugu ma keenin" Maxammed Cabdullaahi Cartan.

AmazonPagina's: 222, Paperback, Looh Press
Prijshistorie
* Prijshistorie bevat geen data van Amazon.
Prijzen voor het laatst bijgewerkt op: